Wasiirka socdaalka oo booqasho ku tagay Rinkeby [Video]

9

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa shalay booqasho ku tagay xaafada Rinkeby halkaasoo uu wareysi ku siiyay telefishinka TV4. Wasiirka oo wax laga way’diiyay siyaasada dowlada ee ku aadan magangalyo doonka soo badanaya ayuu sheegay in Sweden ay tahay wadan furfuran oo dadka qaabilaya. Waxa uu sheegay in dadka soo badanaya ay ka imaanayaan Siiriya, Afghanistan iyo Somalia.

Wasiirka ayaa dhowr jeer u ku celceliyay sida uusan ugu qanacsanayn tiradada dadka soo galootiga ah ee imaanaya Sweden marka loo barbar dhigo kuwa iska dhiiba wadamada kale ee Yurub. Wasiirka ayaa sheegay in wadamada kale ee Yurub aysan masuuliyada la qeybsan Sweden. Taasoo uu sheegay in ay xoog leh isugu dayayaan in masuuliyada la qeybsado.

Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in dadka soo galootiga ah ee Sweden yimaada ay helaan fursado wanaagsan, isagoo sheegay in siyaasada isdhexgalka ee Sweden ay tahay mid shaqaynaysa.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii wax laga waydiiyay in uu ogolyahay in magangalyo doonku ay codsigooda ka xaraystaan safaaradaha Sweden ee dibada, isagoo  sheegay in uusan arkin wado cad oo lagu samayn karo taas isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo la samayn karo. Dowlada ayaa isku qilaafsan arintaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here