Shirkadaha lots-ka oo lagu eedeeyay musuqmaasuq

5

Shirkadaha loo yaqaan Etableringslots ee dadka cusub ka caawiya sidii ay wadanka ula qabsan lahaayeen ayaa lagu eedeeyay in ay ku shaqaystaan musuqmaasuq iyo qiyaano. Baaritaan uu sameeyay telefishinka Sweden (SVT) ayaa lagu soo bandhigay in xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen uu sanadkii tagay ogolaanshaha kala noqday 15 shirkadood oo jabiyay heshiiska.

Shirkadahaas ayaa waxaa ka mid ah shirkad ay Soomaali leeyihiin oo ku taala Katrineholm kaasoo lagu eedeeyay in uu musuqmaasuqay barnaamijka. Cajalad qarsoon oo laga duubay ayaa lagu soo bandhigay shirkada oo dadka u balan qaadaysa shaqo haddii ay mushaarka uu Arbetsförmedlingen bixiyo ay qeyb shirkada ka siinayaan. xafiiska shaqada ayaa si degdeg ah ogolaanshaha ugala noqday shirkadaas.

Waxaa kale oo shirkadaha Lots-ka lagu eedeeyay in aysan raacin barnaamijka loo dejiyay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah aysan haysan shaqaale aqoon leh ama xafiisyo ku haboon shaqada. Xafiiska shaqada ayaa balan qaaday in ay gacan adag ku qabanayaan barnaamijka oo shirkadaha aan wanaagsanayn heshiiska lagala noqon doono.

Mashruuca Etableringslots oo dowlada Sweden ugu tala gashay in lagu caawiyo dadka wadanka ku cusub ayaa noqday mid sumcad daro iyo musuqmaasuq ku batay. Soo galooti badan qaasatan Somaalida ayaa wada furtay shirkadaha nuucaas ah iyadoo suuqa lagu tartamayo oo balan qaadyo been ah qaarkood ay u sameeyaan dadka si ay u soo doortaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here