Nin Swedish ah oo lagu haysto aflagaado uu ku sameeyay Soomaalida

22

Nin 59 sano jir Swedish ah ayaa maxkamad dambi ku soo oogtay (hets mot folkgrupp) ka dib markii la sheegay in uu video ka duubay dad Soomaali ah ka dibna internet uu galiyay isagoo ku qoray hadalo bahdil ku ah Soomaalida. Xagaagii ayaa ninkaan waxa uu tagay xaafada Österängen ee magaalada Jönköping isagoo video ka duubay Soomaali isugu jirta dad waaweyn iyo caruur.

Ka dib ayuu videoga waxa uu soo galiyay bogga Youtube isagoo ku daray hadalo meel ka dhac ah sida in Soomaalida ay yihiin dambiile yaal. Muuqaalka ayaa bogga Youtube ku jiray ilaa november 2013 iyadoo markii dambe uu ninka laftiisa meesha ka saaray ka dib markii booliska u sheegeen in uu dambi ku jiro.

Ninkaan ayaa qirtay in uu muuqaalka duubay isagoo ku dooday in xiligaas uu walwal sanaa isla markaana uusan eegin caruurta. Waxa uu sheegay in uu ka xanaaqay ka markii ragga Soomaalida ay ku amreen in uu joojiyo duubista. Ninkaan ayaa sidoo kale ku dooday in uu xanuunsanyahay oo taasi ay tahay sababta ka dambaysa ficiladiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here