Gunada caruurta oo waalidiinta loo qaybin doono

9

Hay’ada caymiska bulshada (Försäkringskassan) ayaa dhaqan galisay sharci cusub oo ka bilaabata 1-da bisha Maarso loo qaybinayo lacagta gunada caruurta (Barnbidrag) labada waalid. Sharciga cusub ayaa qabanaya caruurta dhalata ka dib 1-da Maarso iyadoo caruurtii hore uu qaban doono sharcigii hore.

Horay ayaa gunada caruurta waxaa si toos ah loo siin jiray hooyada, iyadoo aabaha uu la qaybsan karay haddii ay hooyada ogolaasho bixiso balse hada ka dib ayaa si isku mid ah loogu qaybin doonaa labada waalid ee caruurta wadaagta xitaa haddii aysan hooyada ku qanacsanayn.

Lacagta Barnbidrag ayaa Sweden laga dhaqangaliyay sanadkii 1940 iyadoo ilaa waqtigaas hooyada ay qaadan jirtay. Gunada ayaa gaaraysa 1050kr bishii, iyadoo waalidiinta caruurta badan leh la siiyo guno dheeri ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here