“Cunsuriyadu waxay ka midtahay nolol maalmeedkeena”

31

Mowduuc ay gabar Soomaali ah ku qortay wargeyska Expressen isbuucaan ayaa kiciyay dareen adag oo ku saabsan cunsuriyada lagu sameeyo dadka madoow qaasatan Soomaalida. Gabadha lagu magacaabo Bilan Osman ah arday barata saxaafada ayaa qortay mowduuc dheer oo ay kaga sheekeynayso cunsuriyada ay la kulanto maalin kasta.

Waxay mowduuceeda ku furtay hadal ay ku tiri walaasheed oo 12 sano jir ah oo tiri  “Waxaan rabi lahaa in uusan midab kayga sidaan u fool xumayn”. Bilan ayaa si qiiro leh uga hadashay cunsuriyada ay kala kulantay iskuulka, shaqada iyo wadooyinka. In macalimiinteeda ay midabka dadka madoow ka dhigeen wax lagu qoslo ama liita. Waxay intaas ku dartay in xaaladu siday ahayd caruurnimadii iyo maanta oo 2014 la marayo uusan jirin isbedal weyn.

Waxay cadeysay in ay tahay Swedish isla markaana tahay Soomaali, oo ay la kulantahay cunsuriyada labada dhinac ah ee lagu hayo dadka madoow iyo Muslimiinta. Bilan ayaa intaas ku dartay in aysan doonayn in mowduuca ay kaga hadasho nolosheeda oo keliya balse ay doonayso in ay soo bandhigto cunsuriyada lagu haayo 180 000 qof oo ah dadka madoow kuwaasoo ku nool Sweden. Dadka madoow ayaa la kulma cunsuriyada ugu badan ee dhinac kasta leh. Dadka madoow ayaa marka ay dariiqyada marayaan lagu aflagaadeeyaa midabkooda.

Ugu dambayntii ayaa Bilad ugu baaqday bulshada Sweden in ay wax ka qabato oo laga wadahadlo cunsuriyada maalmeedka ah ee lagu hayo dadka madoow, in walaasheed oo 12 sano jir ah ay ka xumaado midabkeeda iyo in caruurta la mid ah lagu sameeyo cunsuriyad joogto ah. In shirkadaha aysan shaqaalayn dadka madoow. Iyadoo ku soo afjartay in ay ka daashay qorida mowduucaan iyo cunsuriyada 2014.

Sidee u aragtaa cunsuriyada ka jidha Sweden? Ma kugu dhacday oo ma la kulantahay cunsuriyad? Ku darso fikradaada.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here