Cabitaanka Pepsi oo la sheegay in alkolo ay ku jidho

5

Shirkada Carlsberg ayaa qiratay in cabitaanka Pepsi si qaldan loogu daray  alkolo gaaraysa 4,5% taasoo ah mid aad u badan. Cabitaanka ayaa qaasatan lagu iibiyay dukaamada LIDL oo Soomaalidu si weyn uga adeegtaan. Carlsberg ayaa hada sheegtay in ay dib u soo celiyeen dhamaan dhalooyinkii alkolada lagu daray.

“Raali galin ayaan ka bixinaysaa arinta dhacday. Arintaas waxaan u aragnaa dhacdo weyn oo baaritaan ayaan ku samaynaynaa” ayuu yiri Henric Byström oo ah afhayeenka shirkada Carlsberg ee Sweden.

Waxay intaas ku dareen in qofka dhadhamiya cabitaanka lagu daray alkolada uu dareemayo in ay ku jidho. Carlsberg ayaa ka mid ah shirkadaha ugu weyn ee sameeya qamriga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here