Si weyn haloo soo dhaweeyo kooxda Bandiga Somalia

17

Caawa waxaa wadanka Sweden dib ugu soo laabanaya dhalinyarada kooxda barafka Somalia ee ciyaaraha Bandy World Championship ku matalay magaca Soomaalia. Dareenka midnimada iyo taageerada ay ka dhex abuureen Soomaalida ku nool Sweden iyo caalamka ayaa ah mid muhiim ah oo mudan in loogu mahadceliyo.

Maanta oo Axad ah 2 February ayay dib ugu soo laabanayaan wadanka, iyadoo la filayo in ay Arlanda soo caga dhigato diyaarada ay saaranyihiin saacadu markay tahay 21.30. Hadaba cidii ayroboorka ku qaabili karta ama cidii barito ku soo dhaweynaysa magaalada Borlänge gaar ahaan Jussi Björlings torg saacadu markay tahay 17.30, waxaan ugu baaqayaa Soomaalida in si weyn loo soo dhaweeyo dhalinyarada.

Inkastoo aysan guul ka gaarin ciyaarihii ay ciyaareen balse waxay guul ka gaareen in ay Soomaalia iyo guud ahaan qaarada Afrika ku matalaan ciyaaraha Bandy. Waxay sidoo kale guul ka gaareen in ay saxaafada caalamka ku soo jeediyeen magaca Somalia iyo in markii ugu horeysay arin ka duwan burbur iyo qarbudaad wadankeena looga faaloodo telefishinada.

Waxaan leeyahay Hambalyo Guul Ayaad gaadheen. Hana ka harinina hamigiina. Cid ku dhalatay ciyaaraha ma jirtee waa la bartaa, qofkastana waxa uu gaaraa halka uu goolkiisa dhigto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here