Booliska oo culeys saari doona Tensta & Rinkeby

2

Booliska Sweden ayaa shaaciyay qorshe cusub oo wax looga qaban doono  waxa ay ugu yeereen 200-300 dhalinyaro ku dhow in ay dambiileyaal noqdaan oo dambiyo ka geysta xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ee Stockholm. Booliska ayaa sheegay in sanadkaan iyo sanadka soo socda ay xoojin doonaan tirada ciidamada ka hawlgala xaafadahaas.

Booliska ayaa sheegay in dambiyada ka dhaca xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ay ka dambeeyaaan 200-300 dhalinyaro ah, kuwaasoo guud ahaan meesha ka saaray nidaamkii bulshada, hor istaagay ganacsigii iyo horumarka xaafadaha. Qorshaha booliska ayaa ah in ciidamada la kordhiyo, in mashaariic laga fuliyo iskuulada iyo in ay xiriir dhow la yeeshaan qeybaha bulshada. Dambiyada ay ku kacaan dhalinyaraddaan ayaa waxaa ka mid ah dhac, kufsi iyo isticmaalka daroogada.

Booliska ayaa intaas ku daray in dhalinyarada Rinkeby iyo Tensta aysan ahayn koox mideysan oo hal magac ku shaqeeya sida Södertälje. Amaanka xaafadaha Rinkeby iyo Tensta ayaa sanadihii la soo dhaafay gacanta ka baxay iyadoo booliska weeraro badan loogu geystay.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here