80% Soomaalida ku nool Malmö waa shaqo la’aan

6

Warbixin uu soo saaray urur lagu magacaabo Open Society Foundation ayaa lagu soo bandhigay cilmi baaris lagu sameeyay nolosha Soomaalida ku nool magaalada Malmö. Warbixinta oo uu soo diyaariyay professor wax ka dhiga jaamacada Lund oo lagu magacaabo Benny Carlsson ayaa lagu sheegay in Soomaalida ku nool Malmö ay ka leexdeen wadada horumarka.

Soomaalida ayaa la sheegay in ay haystaan dhibaatooyin badan oo ay ugu weynyihiin, shaqo la’aan, guryo la’aan iyo in aysan xiriir la lahayn dadka kale. Waxaa lagu sheegay warbixinta in Soomaalida ay ku dhacday niyad jab oo ay dareemayaan qiimo la’aan, ka dib markii ay ku adkaatay in ay shaqo ka helaan wadanka. 80% Soomaalida ku nool Malmö ayaa shaqo la’aan ah sida lagu sheegay warbixinta.

Soomaalida ayaa waxaa lagu sheegay in heerkooda aqoonta uu hooseeyo isla markaana ay ka yimaadeen dhaqan ka duwan midka Sweden. Benny Carlsson ayaa sheegay in xaalada Soomaalida ku nool Stockholm ay ka wanaagsantahay mida reer Malmö , iyadoo labo jibaar reer Stockholm ay shaqo haystaan.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in guud ahaan Soomaalida ku nool Malmö ay dareemayaan xaalad amaan ah balse loo baahanyahay in kor loo qaado caawimaada ay helaan. Waxaa lagu taliyay in la kordhiyo warbixinta la siiyo dadka soo galootiga ah iyo in Swedishku ay xiriir la sameeyaan Soomaalida si ay u helaan fursado dheeri ah.

Marka aan akhriyo warbixinada nuucaan ah ayaan dareemaa ciil iyo niyad jab. Soomaalida Sweden ayaa noqday kuwo markasta tusaale looga dhigto fashilka isdhexgalka iyo faa’ida la’aanta soo galootiga. Waxaa intaa dheer in ururo iyo dadka qaarkood ay shaqo ka dhigteen in sumcada Soomaalida lagu ciyaaro iyadoo markasta laga diyaarinayo cilmi baaris aan macno lahayn oo aan wax horumar ah u kordhineyn Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here