Soo galootiga oo qaraabada ka door bida shaqada

8

Baaritaan uu sameeyay wargeyska SvD ayaa lagu soo bandhigay in kamuunada ay ka jirto shaqo la’aanta aadka u badan ay u doortaan soo galootiga wadanka cusub. Iyadoo ay dowladu ku celcelisay marar badan in shaqadu ay tahay furaha isdhexgalka ayaa hadana dadka cusub waxay degaan meelaha ugu shaqada yar Sweden.

Sababta ka dambaysa arintaan ayaa lagu sharaxay in ay tahay xiriirka qaraabada oo dadka soo galootiga ah ay doortaan halka ay ku noolyihiin dadka ay yaqaanaan. Taas ayaa keentay in soo galooti badan ay isku urur sadaan magaalooyinka ugu shaqada yar Sweden sida Flen, Eskilstuna , Södertälje iyo kuwa la mid ka ah.

Dowlada Sweden ayaa sanadkii hore meel marisay sharci ku qasbaya soo galootiga in ay u guuraan halkii shaqo laga siiyo balse dowlada yaaa diiday in ay dadka xoriyada ka qaado oo laga mamnuuca in ay degaan halkii ay doonaan. Qaar ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka Sweden ayaa ku doodaya in aan dadka la siin xoriyadaas, qaasatan gudoomiyaha degmada Södertälje Boel Godner oo ka tirsan xisbiga Social Demokraterna ayaa codsatay in laga joojiyo qulqulka soo galootiga ee ku socda magaaladeeda. Magaalada Södertälje ayaa waxaa degan kumaan carab ah iyadoo hada dagaalka Syria uu keenay in kumanaan kale ay halkaasi tagaan.

Kamuunada ugu shaqada badan Sweden ayaa waxaa ka mid ah Danderyd, Vaxholm, Vallentuna, Täby iyo Ekerö oo dhamaantood ka tirsan Stockholm kuwaasoo ay ku nool yihiin soo galootiga ugu yar.

Hadaba su’aashu waxay tahay: Ma waxaad dooran lahayd halka ay qaraabadaada ku noolyihiin mise halka aad shaqo ka halayso? Ku darso fikradaada….

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here