Siyaasi reer Yurub ah oo dadkiisa kula taliyey in ay wajiga modoobaystaan

3

Nin xubin ka ah baarlamaanka Talyaaniga ah, kana mid ah xisbi soogalootiga ka soo horjeeda oo lagu magacaabo Northern League ayaa wajiga ku dhex madoobaystay baarlamaanka wadankaas, wuxuuna intaas ku daray in uu dadka Talyaaniga ah kula talinayo in ay sidiisa oo kale wajiga madoobaystaan si ay u helaan kaalmada la siiyo dadka madoowga ah ee wadanka soo galay.

Siyaasigaan oo lagu magacaabo Gianluca Buonanno ayaa arbacadii ku dooday in magangalyo-doonka iyo soogalootiga la siiyo hooy bilaash ah iyo tasiilaad kaleba halka dadka cadaanka ah ee ree talyaani ay nolosha la harjadayaan.
Lacag aad u badan ayaa lasiiyaa soo galootiga Talyaaniguna muwaadiniintisa buusan waxba u hayn buu yiri Xildhibaankaasi asaga oo soogalootiga dareenka dadka ku soo jeedanmay.

Xisbigaan Northern League ayaa Wasiirada is dhexgalka Talyaaniga oo ah gabar asal ahaan ka soo jeeda wadanka Koongo islamarkaana ah qofkii koowaad oo madoow wadanka Talyaanigana wasiir ka noqda ku eedeeyeen in ay jagada ay hayso oga faa’iidayso dadka modow oo kali ah .
Qaramada midoobay, midowga Yurub iyo ururada xaquuqda aadamiga u doodaba waxay Talyaaniga ku eedeeyaan in uusan dadka wadankiisa soo galah si wanaagsan ula dhaqmin oo uusan siin waxii sharciga wadankaasi xaq u siinayey soogalootiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here