Dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay dhac

5

Labo dhalinyaro Soomaali ah oo da’dooda lagu sheegay 15 iyo 16 jir oo ku nool degmada Gislaved ayaa lagu eedeeyay in ay hanjabaad iyo dhac u geystay wiil dhalinyaro ah. Wiilashaan oo la sheegay in wadanka ku joogaan waalid la’aan ayaa la sheegay in ay middi ugu hanjabeen wiilka bartamaha magaalada iyagoo ka qaatay 120kr.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradaan ay ku jireen ganacsiga daroogada. Ma ahan markii ugu horeysay ee dhalinyaro Soomaali ah lagu eedeeyay in ay dambiyo ka galeen wadanka ay martida ku yihiin. Horay ayaan u soo qornay labo wiil oo iyagana lagu eedeeyay in ay kufsi u geysteen gabar.

Dabeecadaha nuucaan ah ayaa dhaawac weyn ku ah magaca iyo dhaqanka Soomaalida.

Sidee u aragtaa? Ku darso fikradaada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here