Afhayeenkii Masjidka Örebro oo isku casilay fariin uu ku qoray Facebook

4

Afhayeenkii masjidka Örebro oo lagu magacaabo Aisar Al Shawabkeh ayaa iska casilay xilkiisa ka dib markii ay fadeexad ka dhalatay fariin uu ku qoray bogga Facebook. Aisar ayaa markii uu geeriyooday Raysal wasaarihii hore ee Israel Ariel Sharon waxa uu boggiisa ku qoray in Sharon uu xiligii uu generaalka ahaa uu cunay lafaha iyo dhiiga caruurta.

Ka dib qoraalkaas ayaa saxaafada Sweden ay aad u cambaareeyeen fariinta Aisar, isagoo lagu tilmaamay mid cunsuri ku ah dadka Yuhuuda. Saxaafada ayaa lagu qoray in hadalada la xiriira in yuhuudu ay cunaan lafaha caruurta ay tahay sheeko mudo soo jirtay oo lagu eedeeyo dadka Yuhuuda ah. Aisar ayaa markii wax laga waydiiyay sheekada uu soo qoray waxa uu sheegay in aysan ahayn mid uu isaga hubay. Isagoo ka noqday hadalkii uu Facebook ku qoray.

Sidaas loogama harin ee saxaafada ayaa dabagal iyo cambaareyn joogto ah u geysatay afhayeenka. Isbuucaan ayuu go’aansaday in uu iska casilo xilkii uu masaajidka u haayay isagoo tilmaamay in sharaftiisa meel looga dhacay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here