Kooxda Somalia Barafka oo goolkii ugu horeeyay dhalisay

9

Maanta ayaa waxaa si rasmi ah wadanka Ruushka uga bilowday ciyaaraha Bandy 2014 oo  kulankii ugu horeeyay uu dhexmaray kooxda Somalia vs Germany. Anwar Hared ayaa goolkii ugu horeeyay ee taariikhi ah u dhaliyay kooxda Somalia inkastoo 1-22 looga adkaaday Somalia.

Tababaraha kooxda Somalia Per Fosshaug ayaa warbaahinta u sheegay in ay guul weyn gaareen xitaa haddii laga adkaaday. Maadaama ay dhaliyeen gool. Tababaraha ayaan goobta xaadir ku ahayn maadaama uu faaleeye u ahaa telefishinka TV4.

Barito ayaa Somalia waxay yeelan doontaa kulankii labaad kaasoo dhex mari doona iyaga iyo Japan. Guul ayaan u rajaynaynaa dhamaanteen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here