Mid ka mid ah madaxda SD oo aflagaadeeyay Quraanka

20

Midka mid ah madaxda xisbiga cunsuriyada ee SverigeDemokraterna (SD) ayaa sheegay in Quraanka ay ku taalo in Muslimiintu ay kufsiga u isticmaali karaan cinqaab ahaan. Ninkaan oo lagu magacaabo Michael Hess ayaa intaas ku daray in kufsigu uu yahay qeyb ka mid ah dhaqanka Muslimiiinta.

Wariye ka tirsan wargeyska Blekinge Läns Tidning ayaa arintaan wax ka waydiiyay afhayeenka h0gaamiyaha xisbiga in uu ka jawaabo hadalka ninkaan. Afhayeenka oo lagu magacaabo Linus Bylund ayaa wargeyska u sheegay in hadalka ninkaas uusan ahayn been oo ay Quraanka ku taalo arinta kufsiga.

Wariyaha ayaan intaas uga harin balse waydiiyay halka ay Quraanka uga taalo in kufsiga loo isticmaali karo cinqaab ahaan. Isagoo ku jawaabay sidaan. “Ma hubo meesha ay ugu taalo, runtii ma aqaano balse waxaa la cadeeyay in ay ku taalo Quraanka”. Mar la waydiiyay in uu waligiis Quraanka akhriyay , ayuu ku jawaabay maya.

Jawaabtaas ayaa muujinaysa aqoon la’aanta cunsuriyiinta iyo doqonimadooda. Waxay ka hadlayaan waxaysan aqoon u lahayn iyaga oo isku sheegaya siyaasiyiin.

Markii ay warbaahinta si xoogan cadaadis u saareen in ay cadeeyaan hadalkooda ayay qaar kale oo ka tirsan madaxda SD ku doodeen in aysan Quraanka ku qornayn balse kufsigu uu ku badanyahay wadamada Muslimiinta. Iyo in wadamada qaarkood sida Pakistan maxkamad ay dumar ku xukuntahay in la kufsado.

Si kastaba ha ahaaee, weerarada ay cunsuriyiintu ku hayaan Islaamka iyo Muslimiinta ayaa siyaaday bilihii la soo dhaafay iyadoo la filayo in ay siyaadi doonaan  sanadkaan maadaama lagu jiro xili doorasho.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here