Isbedalo lagu samayn doono sharciga Socdaalka Sweden

22

Dowlada Sweden ayaa diyaarinaysa isbedelo cusub oo lagu samaynayo sharciga migrationsverketsocdaalka qaasatan arimaha la xiriira mideynta reeraha iyo baasaboorka loo yaqaan Främlingspass-ka sida uu wargeyska Riksdag & Departement. Danaha caruurta ayaa la sheegay in muhiimada ugu weyn la siin doono.

Isbedalada cusub ayaa waxaa ugu muhiimsan in meesha laga saari doono shuruud culus oo ahayd in qofka doonaya in lala mideeyo caruurtiisa ama xaaskiisa uu wadanka dibadiisa ka soo dalbado sharciga. Haddii qofkaas uu wadanka soo galo ayaa horay diidmo loo siinayay oo lagu amrayay in uu sharciga dibada ka soo dalbado.

Isbedalka cusub ayaa lagu sheegay in haddii ay cadahay in qofkaas uu sharci ka heli karo Sweden aan loo baahnayn in uu wadanka ka baxo. Sababta isbedalka ayaa lagu sheegay in aysan habooneyn in la kala qeybiyo waalidka iyo caruurta isla markaana ay isdhexgalka u wanaagsantahay in uusan qofku wadanka ka bixin.

Dhinaca kale, waxaa waalidiinta caruurta wadankaan kaligood yimaada loo fududeyn doonaa sharciga. Waalidka caruurtiisa ay halkaan kaligood yimaadeen ayaa sidoo kale laga qaadi doonaa DNA si loo cadeeyo xiriirkooda oo ay dowlada lacagta bixin doonto.

Ugu dambeyntii, qofka loo diido baasaboorka Främlingpass-ka ayaa fursad loo siin doonaa in uu maxkamad racfaan ka qaato, arintaas oo hada aan macquul ahayn.

Isbedalada cusub ayaa la filayaa in ay dhaqan galaan bisha July 1 sanadka 2015.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here