Nin Muslim ah oo shaqada lagu cunsuriyeeyay

2

Nin Muslim ah oo ka shaqeeya magaalada Göteborg ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadiisa iyo dadka la shaqeeya ka dib markii Muslims-prayinguu sheegay in cunsuriyad lagu sameeyay. Ninkaan ayaa dacwadiisa waxaa ka mid ah in lagu amray in uu garka iska xiiro iyo in lagula kacay hadalo la xiriira galmada oo uu dhibsaday.

Ninkaan ayaa sheegay in markii ugu horeysay ee laga qaaday interviyuuga loo sheegay in Swedishku ay yihiin cunsuriyiin isla markaana  maadaama uu u shaqeeyo shirkad Swedish ah uu garka iska xiiro. Ninkaan ayaa sheegay in uu garka iska xiiray balse uu arintaas dhibsaday. Waxa kale oo uu sheegay in loo diiday in uu salaada tukado xiliga ay shaqaalaha kale sigaarka u baxaan.

Xafiiska ka hortaga cunsurida (Diskrimineringsombudsmannen – DO) ayaa hada ka dalbaday shirkada in ay ka jawaabto su’aalo la xiriira dacwada ninkaan. Waxaa la filayaa in go’aan laga soo saari doono dacwada ninkaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here