Masjidka Alhouda ee magaallada Flen oo dhaawacyo loo gaysto

6

Masjidka Alhouda ee ku yaala magaallada Flen ee waddanka Sweden ayaa waxaa lagu hayaa dhibaatooyin badan oo jijibinalhouda-flen daaqadaha iyo albaabadaha iyo boorka masjidka. Ma´aha markii 1aad ama 2aad ee dhibaatooyin loo gaysto Masjidka ee xataa waxaa lagu sawiray calaamado muujinaya cunsurnimo,diimo kale iyo nacayb loo qabo Muslimiinta.

Meeshaan maanta Masjidka ah ayaa markii hore ahaan jirtay meel Kaniisad ah oo Illaah qayrkii lagu caabudo, waa Illaah mahdiis maanta waa Masjid furan dhamaan xilliyada salaadaha dad badana ay ku tukadaan, waxaana lagu tiriyaa Masaajidaha ka jira waddanka Sweden kuwa ugu Jameeco badan.

Howlaha Masjidka ayaa u socda sidii loogu talagalay marka laga reebo weeraradaan cadowtinimada iyo ladagaalanka Guryaha Illaahay ee inagu wadaan dad iyagu wax magarato ah.

Muslimiinta degan magaallada waxay wallaalahood ka codsanayaan in ay kala qayb qaataan badbaadinta Masjidka waxayna u baahan yihiin in laga caawiyo kharashaadka:
-Si loo yareeyo dhibaatooyinka loo gaysanayo Masjidka waa in daaqadaha iyo albaabadaha lagu xiraa biro shabaq ah.
_Kharashaadka ku baxa Masjidka Korontada,biyaha, nadaafada,iwm.

FG: Wallaal waxaad Masjidka ku darsan kartaa sadaqo bil walba ah haddii ay noqon lahayd 50,100,150,200kr inta aad awoodid adida oo soo dhigaya AC:-825784234336701. Waxaad kaga xiri kartaa adiga oo jooga gurigaaga ee Videogaan.

alhouda-flen

alhouda-flen2

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here