Dhaqtar diiday in uu daaweeyo haweenay Muslim ah

12

Haweenay Muslimad ah oo ku nool magaalada Malmö ayaa dacwad ka gudbisay dhaqtar ka dib markii uu diiday in uu sjukhusdaaweeyo. Dhaqtar ayaa diiday in uu haweeneyda daaweeyo ka dib markii ay diiday in ay gacana ku salaanto. Markii dhaqtarka uu gacanta u soo taagay ayay gacanteeda shafka saartay iyadoo salaanta sidaas uga qaaday.

Balse dhaqtar ayaa sheegay in uu arintaas ka xumaaday isagoo sheegay in uusan daaweyneyn haweeneyda. Warbixinta ayaa lagu sheegay in haweeneyda aysan codsan in dhaqtar dumar ah ay la kulanto oo ay sheegtay in ay caadi tahay in uu daaweeyo dhaqtar nin ah balse aysan gacanta ku salaami karin diinteeda darteed.

Xeer ilaaliyaha cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen – DO) ayaa sheegay in arinta lagu sameeyay haweeneydaan ay tahay cunsuriyad ku dhisan qofka diintiisa. Waxay sheegeen in aan qofka daaweyn loo diidi karin salaanta darteed. Arinta haweeneydaan ayaa la filayaa in sanadka cusub maxkamad looga doodi doono.

Ma ahan markii ugu horeysay ee dood ay ka dhalato salaanta. Horey ayay u dhacday in nin Soomaali ah magdhow lagu siiyay ka dib markii shaqo loo diiday isagoo diiday in uu salaamo sheefkiisa.

Arinta aan la yaabanahay ayaa ah in haweeneydaan aysan dalban in ay la kulanto dhaqtar dumar ah, haddii ay u aragto in caadi in dhaqtar nin ah oo uu baaritaan ku sameeyo oo fiisateeyo qeybo ka mid ah jirkeeda. Soo taas kama weyna salaanta?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here