Isbedalka lagu sameeyay sharciga Dublin oo dhaqan galaya

33

1-da bisha Janaayo ee sanadka 2014 ayaa waxaa dhaqan galaya isbedel cusub oo lagu migrationsverket-somaliskasameeyay sharciga Dublin ee maareeya xuquuqda magangalyo doonka ay ku leeyihiin qaarada Yurub. Bartimihii sanadkaan ayaa baarlamaanka Yurub waxa uu codkii ugu dambeeyay u qaaday isbedalada lagu samaynayo sharciga Dublin.

Isbedalka lagu sameeyay sharciga Dublin ayaa ah mid inta badan quseeya sidii loo mideyn lahaa qaabka loo qaabilo magangalyo doonka guud ahaan qaarada Yurub, iyagoo doonaya in dhamaan wadamada ay isticmaalaan nidaam isku mid ah. Waxaa qaasatan isbedalka xooga lagu saaray in muhiimada la siiyo isku haynta familada oo qofka magangalyo doonka ah loo keeno reerkiisa ama loo geeyo haddii ay wadan kale oo Yurub ah ku noolyihiin.

Waxaa kale oo ka mid ha isbelada in qofka magangalo doonka ah ee sharciga loo diiday aan xabsi lagu xiri karin haddii uusan qatar ku ahayn amaanka wadanka. Waxaa kale oo aan la ogolayn in qofka lagu celiyo wadan haddii uu kala kulmi karo dhibaato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here