Nin kale oo diiday in uu salaamo haweeney ka dibna kamuunka dacweeyay

3

Nin ku nool magaalada Borlänge ayaa dacwad ka gudbiyay kamuunka ka dib markii uu Handshakesheegay in loogu hanjabay in uu ka shalaayi doono maadaama uu diiday in uu gacanta ku salaamo haweenay uu baraatiig u sameyn lahaa.

Isaga oo la hadlay wargeyska Dala Tidning ayuu sheegay in markii uu tagay goobka baraatiiga ay haweenay gacanta u soo taagtay isagana uu gacanta shafka saaray si uu u muujiyo in uusan salaami karin haweenka. Haweeneyda ayuu sheegay in ay fahantay sababta uusan u salaami karin.

Waxa uu sheegay ka dib in shaqaalaha Kamuunka ay hanjabaad u soo jeediyeen, iyagoo ugu hanjabay in uu ka shalaayi doono 2 isbuuc gudahood, taasoo macnaheeda yahay in uusan heli doon baraatiik, shaqo ama ceyr dambe.

Hada ayuu dacwo u gudbiyay Xafiiska ka hortaga cunsuriyada (Diskrimineringsombudsmannen, DO) oo baaritaan ku samayn doona kiiska ninkaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay dood ka dhalatay arinta salaanta, dhowr jeer ayay hore u dhacday in magdhow la siiyay dad Muslimiin ah oo lagu cunsuriyeeyay salaanta darteed.

Swedishka ayaa ku doodaya in maadaama qofku uu wadankaan ku noolyahay uu salaamo cidkasta, halka Muslimiintu ay cadeynayaan in ay diinta ka soo horjeedo salaanta dumarka iyo ragga. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah Muslimiinta ayaa salaama dumarka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here