Warbaahinta Europe waa inay wax ka bedesho qaabka ay wax uga qorto Soomaalida

8

somalis-europe-jamilah-featured-20131112[1]
Daraasad cilmiyeed ay samaysay hay’ad caalami ah oo lagu magacaabo Open society foundations laguna sameysey nolosha Soomaalida ku dhaqan 7 magaalo oo Europe ku yaala ayaa si hordhac ah loogu soo bandigey magaalada London. Sheekooyinka ku saabsan nolosha Soomaalida ee 7-da magaalo oo kala ah Amsterdam, Copenhagen, Helsinki, Leicester, London, Malmo, iyo Oslo ayaa qofkii akhrista faham wanaagsan ka siinaysa nolol-maalmeedka qofka soomaaliga ee Europe jooga. Sheekada soomaalida oo loo baxshay (Meet the Somalis oo macnaheedu yahay la kulan soomaalida) waxay ku salaysantahay waraysiyo laga qaadayey soomaalida 7-daas magaalo ku nool mudo 6 bilood ah oo intii sanadkan 2013 lagu guda jiray ah.

Daraasada ayaa Soomaalida- Europe ku tilmaantay dad fir-fircoon oo ka mid ah dadka laga tirada badanyahay ee Europe ku nool waxayna xogtani soomaalida Europe u qaybisay sadex qaybood oo kala ah ,dad soomaali ah oo Europe ku dhashay, qaxooti iyo magan galyo doon mar dhow dhib keenay iyo kuwo waddan Europe ah ka guuray oo wadan kale oo Europe ah u guuray, waxayna intaa ku dartay in aan lahayn tiro sax ah oo inta ay yihiin sheegaysa laakiin hadii la isku wada geeyo ay soomalidu tahay bulsho ka mid ah kuwa ugu balaaran bulshooyinka laga tirada badanyaahy ee Europe ku nool.

Daraasada ayaa lagu sheegay in ay gudbinayso khibrad badan oo aan horay soomaalida looga hayn, sida ilmo yar oo maanka ku haya dareenka goob dagaal iyo xanuunka iyo uur-ku-taalada ay leedahay in aad ka tagto oo dani idin kala wado ehelkaagii aad jeclayd. Waxaa kaloo lagu eegey cilmi barista , caqabadaha ay soomaalidu kala kulanto Waxbarashada, guryo helida,Warbaahinta, shaqada, ka qayb qaadashada siyaasda iyo aqoonsiga. Waxaa la tilmaamay in warbaahinta Europe sida ay wax uga qorto Soomaalida loo baahanyahay in dib loo eego ayna haboontahay in warbaahintu joojiso xogta aan runta ku dhisnayn iyo sawir aan wanaagsaneyn oo ay soomaalida ka bixiso .
Sida la sheegay sheekooyinka darasada waxaa lgu turjumi doonaa looqado dhowr ah waxaana looga gol-leeyaha in caalamka loo gudbiyo fikirka saxda ah ee Soomaalida ku nool Europe iyo waxyaabaha ay ku wanaagsanyihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here