Shaqaalaha Soogalootiga ah ee Sweden ka shaqeeya waxay kordhiyeen badeecada Swedan dibada u dhoofiso

7

airliner with a globe and autoloader with boxes in a container
Daraasad dhawaan soo baxday oo ay si wada jir ah u sameeyeen laba dhaqaale yahan oo ka kala tirsan jaamacadaha Lund University iyo Örebro University ayaa daaha ka qaaday in shaqaalaha wadamada kale ka yimid oo ka shaqaysata Sweden ay sara u qaadeen badeecada Sweden u dhoofiso wadamadii ay shaqaalahiisi u dhesheen. Cilmi baarista waxay tilmaantay in markasta oo 10% ay ku kororto soogalootiga Sweden ay 5% sara u kacdo badeecda Sweden wadamada kale u dhoofiso.
Waxaa tijaabo laga qaaday qiyaastii 12,000 oo shirgado wax soosaar ah iyo ganacsiga ay la leeyihiin 170 wadan ayada oo la eegayo shirgadahu sida ay badeecda ugu dhoofiyaan wadamada shaqaalahoodu ka yimaadeen waxaan natiijadii noqotay in cilmi baareyaashii ay u aqoonsadeen shaqaalaha soogalootiga ah furaha looga gudbi karo caqabadaha hortaagan ganacsiga casiriga ah.
” dhaqaalaha aduunka maantay canshuurta iyo badeeco-xadidida maahan waxa dhibka ku haya ganacsiga warshadaha ee dhibku waa caqabad luuqadeed iyo mid dhaqan,” sidaa waxa website-ka The Local qaytiisa Sweden ku yiri Hatzigeorgiou oo ah dhaqaalo yahan daraasadaan wax ka sameeyey la taliyana u ah Wasiirka ganacsiga Sweden wuxuuna intaas raacshay in aysan asaga wax uu la yaabo ku ahayn natiijada daraasadu.
Waxaa kale oo baaritaanka lagu ogaaday in soogalootiga wax barashada fiican leh ay aad oga saamayn badanyihiin kuwa xirfadoodu hoosayso iyo waliba waqtiga qofku Sweden uu joogay in ay saamayn weyn leedahay. ” Waxbarashada iyo xirfadu dabcan waa muhiim si qofku macluumaad uga helo ogana gudbiyo shirgada uu u shaqeeyo, xataa waxaa saamayn leh inta qofku oo ka maqanyahay wadankiisii iyo sida uu war oga hayo oo xiriir oga helo karo dadka xaga looga baahan karo” mar kale waxaa sidaa yiri Hatzigeorgiou .
Daraasadani waa mid ka mid ah wararka wanaagsan oo waayadaan dambe ka soo baxayey soogalootiga iyo suuqa shaqada. Bishii Julaay warbixin xaafiiska shaqadu(Arbetsförmedlingen) soo saaray waxaa soogalootiga lagu tilmaamay furaha suuqa shaqada ee mustaqbalka xaafiiska howlgabnimaduna (Pensionsmyndigheten) wuxuu kol dhaweyd ku dhawaaqay olole shaqaalaha soogalootiga ah lagu barayo xaquuqda ay leeyihiin markii ay howlgab noqdaan waxayna sheegeen in todoba luuqadood oo soomaaligu ku jiro ay macluumaadkooda ku soo bandhigi doonaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here