Ronaldo oo ciyaaraha aduunka ka reebay Zlatan

5

Xalay ciyaartii xiisaya badneyd ee dhexmartay Sweden iyo Portugal ayaa ahayd xifaaltan gooni ah oo u dhexeeyay labo ka midibrahimovic-vs-ronaldo ah ciyaaryahanada kubada cagta ugu caansan aduunka. Christiano Ronaldo oo lagu tilmaamo ciyaaryahanka 2-aad ama 1-aad ee aduunka ugu wanaagsan iyo Zlatan oo bilihii la soo dhaafay lagu tilmaamay in uu yahay kan 3-aad ayaa geesaya isdaray.

Ciyaartaan ayaa dadka falaqeeya ciyaaraha waxay ku tilmaameen mid aad kor ugu qaadaysa sumcada iyo magaca labadaan ciyaartoy midkii soo baxa, isla markaana ay macquul tahay in uu ninkaas ku guuleysto bilada la siiyo ciyaartoyga sanadka ee loo yaqaan FIFA Ballon d’Or. Waa haddii uusan ku guuleysan ciyaartoyga Muslim ah ee Franck Ribery oo hada la aaminsanyahay in uu ugu cadcadyahay musharaxiinta.

Hadaba kooxdii uu hogaaminyay Zlatan ayaa dhulka waxaa ku jiiday Ronaldo kaligiis, isagoo 4 gool ka dhaliyay Sweden labadii kulan ee ay yeesheen. Zlatan ayaan laftiisu yareysan oo labo gool iska guday balse waxaa la haray dafiicnimada difaaca Sweden oo ku guuleysan waayay in ay iska difaacaan Ronaldo oo keliya.

Sweden ayaa markale ka hartay ciyaaraha aduunka iyadoo Portugal ay markale u soo baxday. Mustaqbalka Zlatan iyo kooxda Sweden ayaa u muuqda mid halkaan ku dhamaaday iyadoo aan la filayn in uu ciyaaraha kubada cagta ee 2016 uu Sweden u ciyaari doono.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here