Hay’ada Maamusha Iskuulada Sweden oo taageertay hilibka Xalaasha

6

Hay’ada Maamusha Iskuulada (Skolinspektionen) ayaa sheegtay in hilibka Xalaasha ah ee la siiyo ardada iskuulada uusan ka halalsoo horjeedin sharciga Sweden. Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii dood cusub ay ka dhalatay iskuulada qaarkood ardada siiya hilibka xalaasha ah. Qaasatan qaar ka mid ah waalidiinta degmada Svedala ayaa dacwad u gudbiyay hay’ada.

Waalidiinta ayaa ku andacooday in hilibka Xalaasha ah ee la siinayo ardada uu yahay mid jabinaya sharciga iskuulada ee quseeya kala saarida diinta iyo waxbarashada. Hay’ada ayaa ka soo horjeesatay aragtida waalidiinta iyagoo sheegay in aysan jirin wax sharci ah oo qabanaya hilibka xalaasha ah.

Isbuucyadii la soo dhaafay ayaa qaar ka mid ah kamuunada waxay iskuulada ka mamnuuceen in ardada ay siiyaan hilibka xalaasha ah. Go’aanka hay’ada ayaa ah mid muhiim ah maadaama ay masuul ka yihiin kormeerka iyo maamulida dhamaan iskuulada Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here