Dadka soo galootiga ah oo shaqooyin badan ka helay Sweden

3

Warbixin ay soo bandhigtay Hay’ada Tirakoobka Sweden (SCB) ayaa lagu sheegay in ilaa sanadkii 2006 ay dad somaliska-jobbgaaraya 230,000 ay heleen shaqooyin cusub. Dadkaas ayaa inta badan waxay ahaayeen soo galooti. Tirada shaqooyinka ay heleen soo galootiga ayaa lagu sheegay in ay gaarayso 160,000 taasoo u dhiganta qiyaastii 70% dhamaan shaqooyinka cusub.

Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag oo la hadlay idaacada Sweden (SR) ayaa u sheegay in arintaan ay tahay horumar fiican isagoo intaas ku daray in ay ku guuleysteen in ay shaqo u abuuraan dadka ay ku adagtahay shaqo helida. Balse waxa uu qirtay in wali ay jiraan culeysyo qaasatan xaga dhalinyarada ah.

Warbixintaan ayaa ah sawir ka duwan midka dhabta ah ee ka jira Sweden oo ah meel ay ku adagtahay in dadka soo galootiga ah ay shaqo ka helaan. Dadka soo galootiga ah ee aan shaqada haysan ayaa aad uga badan kuwa Swedishka ah. Waxaa lagu qiyaasaa in qofka cusub ee wadanka Sweden soo gala ay ku qaadan karto ku dhawaad 10 sano in uu shaqo helo.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here