Maxkamada Sare ee Socdaalka oo aqbashay in ay baarto kiiska mideynta qoysaska Soomaaldia

45

Maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa aqbashay in ay dib u eegto kiiska qoys Soomaali ah oo horay migrationsverket-diidmo loo siiyay. Maxkamada Sare ee Socdaalka ayaan inta badan baaritaan ku samayn kiisaska balse markii loo baahdo in sharci cusub la soo saaro ama ay u aragto in go’aanada maxkamada hoose uu qaladyahay ayay badanaa baaritaan ku sameeyaan kiiska hal qof iwm.

Kiiska qoyskaan Soomaalida ah oo horay diidmo loo siiyay ka dib markii lagu yiri maydan wada noolayn 2 sano ayaa hada waxaa dib u eegis ku samaynaya Maxkamada Sare taasoo la filayo in ay go’aan ka soo saarto arintaan bilowga ama bartamaha sanadka soo socda. Go’aanka maxkamada Sare ayaa noqonaya mid saamayn weyn ku yeelanaya dhamaan qoysaska lagu xiray shuruuda ah in ay horay u wada noolaayeen.

Haddii maxkamada sare ay go’aamiso in reerkaan la siiyo deganaansho ayay sidoo kale wadada u furaysaa in dadka ku kiiska iyagana nidaamkaas la raaciyo. Haddii ay diidmo soo saarto ayay sidaas la midtahay.

Hadaba wixii go’aan ah oo ay soo saarto Migrationsöverdomstolen ayaan halkaan ku soo daabici doonaa Insha Allah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here