Haku hungoobin Yurub oo naftaada haku haligin Tahrib

11

Waxaan filayaa in dhamaantiin aad maqasheed masiibada isbuucaan ka dhacay Jasiirada Lampedusa ee ka tirsan Talyaaniga lampedusahalkaasoo ay badda ku dhinteen in ka badan 300 qof oo tahriibayaal ah kuwaasoo tiro badan ay yihiin Soomaali. Tahriibayaashaan ayaa ka soo baxay Libya iyagoo ku soo jeeday qaarada Yurub.

Hadaba su’aashu waxay tahay: Ma tahay Yurub meel naftaada loo haligo? Ma u qalantaa tahriibka iyo qarashka kaaga baxaya? Jawaabta oo kooban ayaa ah MAYA. Xaqiiqaduna way ka sii adagtahay intaas. Kuwii hore halkaan u yimid oo kumanaan doolar soo bixiyay oo baddaha soo jeexay ayaa hada ka shalaayaya wadadii ay soo mareen iyo juhdigii ay ku soo bixiyeen. Dadkaas oo yimid xiligii ay xaalada Somalia ahayd mid kacsan. Maanta oo xaaladu isbedashay ayaa waxaa caqli xumo ah in dadkeenu ay wali ku sirmayaan xaqiiqada Yurub?

Xitaa haddii aad ka soo badbaado badda ama aad diyaarad ku soo gasho Yurub ayaa xaaladu waxay tahay in wadama Yurub ay go’aan ku gaareen in aysansi fudud ku qaabilin Soomaalida, taasoo ay sabab u tahay xaalada amaanka ee Somalia oo isbedashay. Qaar badan oo ka mid ah tahriibayaasha ayaa ku soo jeeda wadankaan Sweden balse waxaan ognahay in Sweden ay sanadkaan iyo sanadkii horeba ay go’aamisay in Somalia aysan ka jirin qatar guud oo qofkasta oo Soomaali ah sharci lagu siin karo.

Intaas waxaa dheer in wadankeenii uu hada ka roonyahay sidii hore. Labo isbuuc ka hor ayay ahayd markii Muqdisho booqasho ku tagay, runtiina aniga ayaaba doonaya in aan ku laabto iska dhaaf qof kale in aan kula taliyo in uu ka soo tago. Meel kaaga fiican ma jidho dhulkaaga hooyo. Ma ahan Muqdisho oo keliya balse xitaa qaar badan ayaa ka imaanaya Somaliland iyo Puntland kuwaas oo raadinaya nolol fiican. Xitaa haddii qofku uu Sweden sharci ka helo waxay ku qaadanaysaa muddo dheer inta uu shaqo ka heli karo ama uu wadanka dhex gali karo.

Hadaba walaalkeyga Soomaaliga ah ee ku riyoonaya in uu u soo tahriibo Yurub waxaan ku leeyahay, HAKU SOO LUG GO’IN OO NAFTAADA HAKU HALIGIN. Siyaasiyiinta iyo ganacsatada Soomaalidu waa in ay fursado u abuuraan dhalinyarada oo ay ka hor istaagaan in naftooda ay micno daro qatar ugu galiyaan baddaha iyaga oo uusan wax mustaqbal ah u oolin Yurub.

Intii geeriyootay allaha u naxariisto. Inta kalena Allaha soo hanuuniyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here