Cunsurigii ugu weynaa UK iyo kuxigeenkiisa oo isaga baxay ururka EDL

3

Ninkii hogaamiyaha u ahaa ururka cunsuriyiinta EDL ee ugu weyn UK oo lagu magacaabo Tommy Robinson ayaa ku dhawaaqayedl in uu isaga baxay ururkaas, isagoo sabab ugu dhigay in uu ururkaas noqday mid aad xagjir u ah. Waxaa sidoo kale ururka isaga baxay ku xigeenkiisa Kevin Carroll.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in ninkaan uu xiriir la sameeyay urur lagu magacaabo Quilliam oo ah urur ay leeyihiin koox Muslimiin ah oo u taagan la dagaalanka xagjirnimada. Ka dib wadahadalo iyo tashkiilin u socotay muddo ayaa waxaa Tommy Robinson  ay ka dhaadhiciyeen in uu isaga baxo ururka EDL. Arintaan ayaa qaasatan waxaa ka dambeeyay nin lagu magacaabo Usama Hasan oo ka mid ahaa ururkii Mujaahidiinta ee Ruushka ka saaray Afghanistaan.

Si kastaba ha ahaatee, Tommy Robinson ayaa sheegay in uu sii wadi doonaa ka hortaga waxa uu ugu yeeray Islaamiyiinta xagjirka ah balse waxa uu sheegay in uusan ka qeyb qaadan doonin cambaareynta iyo la dagaalanka Muslimiinta oo dhan, taasoo uu sheegay in ururkiisa uu  noqday mid kala saari waayay.

Arintaan ayaa dhabarjab iyo dharbaaxo weyn ku noqotay dhamaan cunsuriyiinta Yurub iyo dhamaan reer galbeedka oo ninkaan aad u jeclaa. Xitaa waxa uu sanadkii hore yimid Sweden, isagoo ururka cunsuriyiinta SD ay marti qaadeen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here