Xisbiga garabka midig oo ku guuleystay doorashada Norway

4

Xulufo ay ku mideysan yihiin xisbiyada garabka midig ayaa ku guuleysatay doorashada Norway. Iyadoo raysal wasaaraha taladaHoyre haya looga adkaaday doorashada. Haweenayda lagu magacaabo Erna Solberg oo hogaamisa xisbiga lagu magacaabo Høyre ayaa la filayaa in ay noqoto Raysal wasaaraha cusub ee Norway.

Xisbiyada garabka midig oo ay ku mideysanyihiin xisbiga Høyre iyo xisbiga cunsuriga ah ee lagu magacaabo Fremskrittspartiet iyo dhowr xisbi oo yaryar ayaa guud ahaan helay 95 xubnood baarlamaanka Norway. Halka xisbiyada kale ee bidixda oo uu ugu weynyahay xisbiga Arbeiderpartiet ay heleen 72 xubnood.

Xisbiga Høyre ayaa balan qaaday in ay adkaynayaan arimaha la xiriira soo galootiga, iyagoo hoosta ku wata xisbiga cunsuriga ah ee Fremskrittspartiet  kaasoo u dhigma xisbiga SD ee ka dhisan Sweden. Xisbiga cunsuriga ah ayaa helay guud haaan 29 xubnood taasoo ka dhigaysa xisbiga sadexaad ee ugu weyn Norway.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiga Høyre ayaan haysan aqlabiyad dhamaystiran sidaa darteed waxay ku qasban yihiin in ay heshiis la galaan ugu yaraan 3 xisbi. Iyadoo xisbiga cunsuriga ah la filayo in uu qeyb ka noqdo heshiiska noocaas ah ayaa xisbiyada kale ee yaryar ay diidan yihiin in ay wada shaqayn la yeeshaan cunsuriyiinta haddii aysan badalin aragtidooda ku aadan soo galootiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here