Xafiiska Shaqada oo joojiyay barnaamijkii Caawiyaasha shaqada

10

Xafiiska Shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen) ayaa ku dhawaaqay in ay joojinayaan barnaamijkii caawiyaasha shaqada ee arbetsformedlingen-somaliskalagu magacaabo (Jobbcoachning). Sababta loo joojiyay barnaamijkaan ayaa lagu sheegay in dowlada ay go’aamisay in aan lacag dambe lagu bixin doonin barnaamijkaan oo horay loo cambaareeyay.

Barnaamijka Jobbcoach oo la hirgaliyay sanadkii 2008 ayaa xafiiska shaqada waxa uu heshiisyo la saxiixday shirkado qaas ah oo dadka siinaya macluumaad iyo caawimaad la xiriira sidii ay shaqo ku heli lahaayeen. Shirkadaha ayaa la sheegay in ay noqdeen kuwa faa’idada ugu badan ka helay barnaamijkaan. Ilaa iyo maalintii la bilaabay barnaamijkaan ayaa waxaa ku baxday lacag gaaraysa 4.7 billyan oo karoon. Xitaa shirkado Soomaali leedahay ayaa ka mid ah kuwo ka faa’iday.

Barnaamijka kale ee Etableringslots ayaa sii socon doona halka barnaamijka Jobbcoach la joojinayo wixi ka bilowda bishaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here