Wiilkaan waxaa garaacay cunsuriyiinta!

11

Wiilkaan sawirkiisa aad ku aragtaan bogga waxaa lagu magacaabo Yusupha Sallah waxa uu ku noolyahay magaalada Malmö. yusuufIsbuucaan ayaa waxaa weerar ku qaaday dhowr qof oo cunsuriyiin ah kuwaasoo garaacay isaga iyo wiilyar oo uu dhalay oo 1 sano iyo bar jira. Ka dib markii ay garaaceen ayay ugu hanjabeen in ay buundada ka tuurayaan wiilkiisa.

Arinta ku dhacday wiilkaan oo ah mid naxdin leh ayaa waxay muujinaysaa heerka ay marayso cunsuriyada ka dhanka ah soo galootiga. Yusuf ayaa sheegay in markii ay garaacayeen ay sidoo kale aflagaado ugu dareen ku wajahan dadka madowga ah. “Waligay isma dhihin arintaan oo kale ayaa ka dhacaysa Sweden” ayuu warbaahinta u sheegay Yusuf Sallah.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here