“Waxaan booqasho ku tagay Muqdisho” [Daawo Sawirada]

6

Isbuucii la soo dhaafay waxaan booqasho gaaban ku tagay magaalada Muqdisho, anigoo isha soo mariyay qeybo badan oo ka mid ah magaalada. Sanadkii hore bishii December ayay ahayd markii aan booqasho u tagay Muqdisho anigoo soo daabacay mowduuc ku saabsan sida aan u arkay xaalada magaalada. Hadaba maxaa isbedalay?

Dhinaca amaanka ayaa la dhihi karaa wax badan iskama badalin magaalada. Intii aan joogay magaalada ayaysan ka dhicin wax amaan daro ah, markii aan wareystay dadka magaalada ayay ii soo baxday in aysan runtii xiiso ku ahayn wararka la xiriira qaraxyada iyo dilalka iyagoo aan dhag jalaq u siin arimahaas. Qofkasta ayaa subixii u kacaya shaqada ama waxbarashada. Markii aad akhriso wararka ay qorayaan websiteyada iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jidha magaalada ayaa dareemaysaa sida xaaladu tahay. Dhibaatada ugu weyn ee hortaagan in magaalada Muqdisho ay noqoto 100% amaan ayaa la dhihi karaa waa dabeecada ciidamada dowlada, oo aan indhahayga ku arkay iyaga oo dadka leejo ka qaadaya. Ciidamada ayaa iyaguna eeda dusha ka saaraya madaxda dowlada oo aan bixin mushaaraadka ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada amaanka ee Muqdisho ayaa ahayd mid wanaagsan balse waxay qaadan doontaa mudo inta ay noqonayso magaalo 100% amaan ah.

Dhinaca ganacsiga ayaa horumarka ugu weyn laga sameeyay, magaalada ayaa waxaa ku soo kordhay dhismayaal cusub, shirkado cusub iyo fikrado cusub oo horumar muuqda laga sameeyay arimahaas. Ganacsiga magaalada ayaa ah mid si heer sare ku socda iyadoo magaalada ay weli ku soo qulqulayaan qurbo joog doonaysa in ay ganacsiyo ka sameeyaan magaalada. Waxaa sidoo kale dhismayaal ku socdaan wadooyinka muqdisho, iyadoo shirkado Turkey ah ay dhisayaan wadada airpoorka iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada. Markii aad si fiican ugu fiirsato arimahaan horumarka leh ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa ku galaya rajo aad u sareyso adigoo iska hilmaamaya xaalada amaanka.

Si kastaba ha ahaatee, horumarka ganacsiga ayaa sidoo kale keenay in heerka nolosha uu aad kor ugu kaco, guryaha iyo maciishada ayaa aad qaali u noqday. Magaalada Muqdisho ayaa hada la dhihi karaa waa meesha ugu qaalisan wadanka Somalia. Lacagta faraha badan ee soo gashay magaalada ayaa aad kor ugu qaaday qiimaha nolosha.

Dhinaca waxbarashada ayaa  aad ii dhiiri galisay. Dhalinyarada Muqdisho ayaa u muuqdo kuwo aad ugu baraarugay qiimaha waxbarashada. Magaalada ayaa waxaa ku yaala kumanaan iskuul iyo in ka badan 30 jaamacadood.

Ugu dambeyntii inkastoo aan dhagaysano siyaasiyiin dhaliilaya dowlada Somalia, ayaa dadka muqdisho waxay u muuqdeen kuwo waqti siinaya isla markaana u dulqaadanaya madaxdooda. Markii aad la sheekaysato dadka magaalada ayay kuu sheegayaan in ay ku faraxsanyihiin dowlada isla markaana ay filayaan in waxyaabo muhiim ah ay qaban doonto.

muqdisho-2013-7 muqdisho-2013-6 muqdisho-2013-5 muqdisho-2013-4 muqdisho-2013-3 muqdisho-2013-2 muqdisho-2013-1

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here