Soo galootiga cusub oo fursad loo siinayo in ay wax ka bartaan dugsiga sare (Folkhögskola)

17

Dowlada Sweden ayaa miisaaniyada cusub ee sanadka 2014 waxay ku soo dartay qorshe cusub oo dadka soo galootiga ah ee kasfi-somaliska tirsan xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) lagu siinayo fursad ay ku qaadan karaan waxbarashada laga bixiyo dugsiyada sare ee loo yaqaan (folkhögskolor).

Go’aakaan ayaa xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) waxa uu fursad u siinayaa in ay heshiis la galaan folkhögskolor si ay dadka soo galootiga ah ee ka tirsan xafiiska shaqada u qaataan koorsooyinka ay bixiyaan dugsiyada sare isla markaana loo sameeyo koorsooyin qaas ah oo loogu tala galay dadka soo galootiga ah.

Barnaamijkaan ayaa waxaa loo qoondeeyay lacag gaaraysa 240 milyan oo karoon oo la bixin doono inta u dhaxaysa 2014-2017.

Dugsiyada loo yaqaan folkhögskolor ayaa waxay la midyihiin dugsiyada sare balse ay inta badan dhigtaan ardayda aan ka bixi karin dugsiyada sare ee caadiga ah. Qaar ka mid ah dugsiyadaan ayaa waxay leeyihiin jiif.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here