Masjid ku yaala Eskilstuna oo loogu hanjabay in la xirayo

16

Masjid ku yaala magaallada Eskilstuna gaar ahaan xaafada Årby ayaa waxaa la soo gudboonaatay wareer iyo handadaad kaga imam-arbytimid Shirkadii ay guriga ka iibsadeen, shirkada guriga iibisay ayaa sheegtay in albaabada la isugu dhufanayo oo la xirayo Masjidka haddii aynan bixin lacagaha ku harsan.

Shirkada guriga ka iibisay Muslimiinta magaalladaas Eskilstuna ayaa ku adacoonaysa in lacagtii laga doonayey Muslimiinta aynan wada bixin, sidaa awgeedna ay doonayaan in Muslimiinta dibada uga saaraan guriga.

Iimaamka Masjidka Abd Al Haqq Kielan ayaa waxa uu sheegay in aysan suurtagal ahayn in Muslimiinta dibada looga tuuro Masjidka oo laxiro maadaama buu yiri aynu joogno waddan sharci iyo nidaam kajiro,waxaana jira ama lawadaa khiyaano aan suurtagal ahayn, ayuu yiri Kielan.

Jimcahii taariikhdu ahayd 6 september 2013 ayaa si caadi ah loogu tukaday Masjidka oo ma aysan dhicin wax dhibaato ah.

WQ:- Cabdiaziiz Baliile

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here