Hooyooyinka caruurta yaryar oo loo bilaabay kulamo ay luuqada ku barayanyaan

23

Urur lagu magacaabo Internationella Bekantskaper oo ka shaqeeya isku keenida bulshada ayaa naga codsaday in aan gaarsiinotensta hooyooyinka Soomaaliyeed ee nool Stockholm qaasatan xaafadaha Tensta iyo Alby in uu jiro barnaamij ay ugu magacdareen “Svenska med baby” oo ay ku kulmayaan hooyooyinka haysta caruurta da’dooda u dhaxayso 0-2 sano.

Ujeedada barnaamijkaan ayaa ah in ay kulmaan oo luuqada ku bartaan hooyooyinka ku jira fasaxa caruurta (Mammaledig). Waxaa kulanka ka soo qeyb galaya hooyooyin ka soo jeeda wadamo kala duwan oo doonaya in ay bartaan dad cusub isla markaana heerka luuqadooda kor u qaadaan.

Hadaba haddii aad xiisaynayso waxaad kaga qeyb gali kartaa maalmaha Talaadada saacadu marktay tahay kl 10.00-11.30 Alby bibliotek, Alby centrum iyo Arbacada kl 10.30-11.30 Tensta konsthall, Tensta centrum. Wax shuruud ah kuma xirna ka soo qeyb galka.

Faahfaahrin waxaad ka heli kartaa

www.bekantskaper.se/svenska-med-baby

Facebook: ”svenska med baby”

Kontakt: svenskamedbaby@bekantskaper.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here