Gunadii SFI-ga oo la joojinayo

40

Dowlada Sweden ayaa miisaaniyada cusub ee sanadka ku soo bandhigtay in la joojinayo lacagtii gunada ee la siin jiray qofka sfisanad gudahiis ku dhameeya koorsada luuqada Swedishka ee SFI-ga. Wasiirka isdhexgalka Erik Ullenhag ayaa sheegay in aysan saamayn balaaran waxbarashada luuqada ku yeelan gunada SFI-ga.

Lacagta gunada SFI-ga ayaa la dhaqan galiyay sanadkii 2009 iyadoo loo qoondeeyay 100milyan oo karoon sanadkii. Qofka koorsada ku dhameeya mudo ka yar 1 sano ayaa la siinayay 12 000 kr. Qofka hada dhigta SFI-ga ayaa la siin doonaa gunada balse wixii ka dambeeya sanadka cusub ayaa guud ahaan la joojin doonaa.

Gunadaan ayaa horay loo cambaareeyay iyadoo ay si weyn uga soo horjeedeen qaar ka mid ah xisbiyada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here