Dowlada Sweden oo ku fadeexowday qowmiyada Romada

11

Booliska Sweden ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa la soo daristay fadeexad balaaran oo ku saabsan qowmiyada Romada. Beatrice-AskFadeexadaan ayaa la xiriirta ka dib markii ay soo shaacbaxday in booliska gobolka Skåne ay sameeyeen liis ay ku diiwaan galinayaan dadka jinsiyadooda tahay Romada.

Booliska ayaa sheegay in sababta ay u sameeyeen liiskaan uu yahay in ay ku diiwan galiyaan dadka galay dambiyada sida tuugada, balse sidoo kale ay diiwaanka ku dareen dadkale oo qaraabo ama xiriir la leh kuwa dambiyada galay. Taas ayaa keentay in xitaa caruur aad u da’yar lagu qoro diiwaanka booliska iyo dad kale oo aan wax dambi ah galin.

Ka dib markii ay soo shaacbaxday arintaas ayaa cambaareyn balaaran loo soo gudbiyay booliska, iyadoo qaasatan la tilmaamay in ay sharci daro tahay in dadka la diiwaan galiyo iyaga oo aan waxba galabsan. Ka dib fadeexadaas ayaa boolisku qirteen in ay qalad sameeyeen iyagoo laftooda isdacweeyay oo hada baaritaan ku socdo sidii boolisku ay u dhaqmeen.

Sidoo kale qaar badan oo ka mid ah wasiirada dowlada iyo xisbiyada kala duwan ayaa cambaareeyay dhaqanka booliska. Wasiirka cadaalada Beatrice Ask ayaa raali galin ka bixisay ficilada booliska isla markaana cafis ka dalbatay Romada.

Dadka Romada oo boqolaal sano ku noolaa qaarada Yurub ayaa ah kuwo si joogto ah loo cunsuriyeeyo isla markaana laga xaqiro xuquuqdooda. Romada ayaa lagu eedeeyaa in ay yihiin dadka ay ku badantahay tuugada iyo dambiyada kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here