Booqashada Obama oo qalalaase ka abuurtay wadooyinka Stockholm

10

Iyadoo maalinta barito ah uu booqasho ku imaanayo madaxweynaha Maraykanka Obama magaalada Stockholm ayaa boolisku obama_18cn69n-18cn69r[1]waxay dadka ku wargaliyeen in aysan isticmaalin baabuurta. Qaasatan dadka ka shaqeeya gudaha Stockholm iyo kuwa isticmaala wadada isku xirta Arlanda iyo Stockholm ayaa loo sheegay in ay tareenada raacaan.

Booliska ayaa sheegay in guud ahaan la xiri doono wadada E4 iyo dhamaan wadooyin gala gudaha magaalada Stockholm. Waxaa aad loo adkaynayaa amaanka goobaha uu booqan doono Obama sida xafiiska Raysal wasaaraha Rosenbad iyo jaamacada KTH. Sidoo kale waxaa la xiri doonaa isteeshinka tareenada ee Kungsträdgården.

Xitaa waxaa goobaha qaar loo diidi doonaa dadka lugaynaya iyo baaskiilada.

Obama ayaa Stockholm inaaya subaxa arbacada isagoo habeenkii ku hoyan doono magaalada. Waxaa sidoo kale magaalada Imaanaya madaxda wadamada Norway, Finland iyo Denmark kuwaasoo la cashayn doona Obama.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here