Bandhig buugaag oo lagu qabtay magaalada Flen

5

Barnaamij la magac baxay wax akhriska waa muhiim ayaa waxaa soo qabanqaabiyey labada qorayaal ee kala ah Maxamed Xirsi Guuleed (CabdiBashiir) iyo Suldaam Maxamed Suldaan Ibraahim (Gar yare). Barnaamijka oo ahaa mid aad u qiimo badnaa oo loogu hadlayey qiimaha ay muhiimada ay leedahay in wax la akhriyo islamarkaana lagu soo bandhigay  buugaag aad u faa´iido badan ayaa dadkii ka soo qaybgalay oo isugu jiray Rag, Dumar iyo Caruurba ayaa waxa ay ka kala yimaadeen dhowr magaallo sida magaallada Eskilstuna iyo Katrineholm iyo Nyköping iyo magaallada martida  loo ahaa ee Flen.

Halkaana waxaa lagu soo bandhigay buugaag badan oo iib ah si wayna loo iibsaday.

Buugaagta waxaa ka mid ahaa

1-Naaneysi ma magac ma aha

2-Aan ooyee albaabka ii xidha

3-Caqiidada Islaamka

4-Hableheenna

5-Faya dhawr

Iyo kuwa kale oo aad u badan

WQ-Cabdicaziiz Baliile

buugaag3 buugaag2 buugaag1

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here