Arday loo diiday barashada cilmiga diyaaradaha dhalashadiisa darteed

4

Wiil 16 sano jir ah oo haysta dhalasha Sweden balse ku dhashay wadanka Ciraaq ayaa loo diiday in uu cilmiga diyaaradaha (Flight engineer) ka flight-engineerbarto iskuul ku yaala magaalada Trollhättan. Sababta diidmada ayaa looga dhigay in uu ku dhashay wadanka Ciraaq. Arintaas ayaa ka caraysiiyay Hay’ada dabagalka iskuulada (Skolinspektionen).

Wiilkaan oo markii hore loo ogolaaday waxbarashada maadaama uu haysto dhamaan shahaadooyinka looga baahnaa, ayaa markii dambe diidmo la siiyay ka dib markii shirkada bixisa koorsada oo lagu magacaabo GKN Aerospace ay sheegtay in aysan waxbari karin wiilkaan ku dhashay Ciraaq. Sababta ayaa lagu sheegay in heshiiska ganacsiga ee ka dhexeeya Sweden iyo Maraykanka uu mamnuucayo arintaas.

Anna Tamelin oo ah qareen ka tirsan hay’ada dabagalka iskuulada ayaa sheegtay in ay baaritaan ku samaynayaan arintaan, iyadoo ku tilmaamtay mid aan la aqbali karin. Waxay sheegtay in sharciga maraykanka uusan ka shaqayn Sweden isla markaana qof haysta dhalashada Sweden aan diidmo lagu siin karin goobta uu ku dhashay darteed.

Arintaan ayaa muujinaysa cunsuriyada iyo kala sooca lagu samaynayo soo galootiga Sweden ku nool, qaasatan kuwa ka soo jeeda wadamadda Muslimiinta oo aan loo ogolayn in ay bartaan cilmiyada sare ee waxtarka leh.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here