Xulufada Dowlada oo isku qilaafsan in shuruudaha lagu adkeeyo qoysaska isdalbanaya

61

Xisbiyada ku midaysan xulufada dowlada Sweden ayaa isku qilaafsan in shuruudaha lagu kordhiyo dadka dalbanaya in lalamigrationsverket-somaliska mideeyo qoyskooda. Xisbiga ugu weyn xulufada dowlada ee Moderaterna (M) ayaa doonaya in dadka dalbanaya in lala mideeyo qoyskooda lagu xiro shuruuda in ay biilan karaan (försörjningskravet).

Xisbiyada kale ee ka tirsan xulufada qaasatan xisbiga Kristdemokraterna (KD) iyo xisbiga Folkpartiet (FP) ayaa ka soo horjeedaan shuruuda nuucaas ah. Emma Henriksson oo baarlamaanka Sweden u fadhiga xisbiga Xisbiga Kristdemokraterna ayaa sheegtay in aysan wanaagsanayn in waalidiinta doonaya in caruurtooda lala mideeyo lagu xiro shuruuda biilka.

Xisbiga Moderaterna ayaa ku doodaya in sharciga quseeya shuruuda biilka uu yahay mid aan qabanayn dad badan, iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay Laanta Socdaalka ku xirtay shuruudaas 53 qof oo keliya. Shuruudaan ayaan hada qabanayn dadka caruurta leh iyo qaxootiga balse Moderaterna ayaa doonaya in ay wax ka badalaan oo dadka oo dhan lagu xiro shuruudaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay Moderaterna ka dhawaajiyaan doonitaankooda in dadka lagu adkeeyo midaynta reeraha.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here