Sweden oo ka hadashay taageeradeeda ku aadan Soomaalia iyo soomaalida oo doonayo in ay dhowr gacmood ku tuugsadaan

8

Maalintii isniinta waxaan ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay Hay’ada Sweden u qaabilsan deeqaha caalamiga sidaah ee lagu magacaabo (SIDA). Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Soomaali badan oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee dalka iyo madaxda SIDA u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxda SIDA ayaa soo bandhigay qorshaha ay Sweden ku caawinayso Somalia mudada 5 sano ee soo socta. Waay kale oo soo bandhigeen mashruuc la doonayo in dowlada Somalia laga taageero xaga aqoonta iyagoo bixinaya mushaaraadka 60 quburo oo wasaaradaha dowlada Somalia ka caawin doona arimaha sida dhaqaalaha, cadaalada iwm. Sidoo kale 90 arday oo ka tirsan ardayda dhigata jaamacadaha Somalia ayaa ka gees shaqayn doona 60 quburo.

Ka dib markii nala siiyay warbixino ku aadan sida Sweden ay u taageerayso Somalia 5 sano ee socota, iyadoo 300 milyan oo karoon sanadkasta lagu bixin doono taageerada Somalia, ayaa waxaa bilowday fikrado isdhaafsi iyo su’aalaha iyo jawaabaha.

Soomaalida meesha timid ayaa qaar ka mid ah waxay ku celceliyeen muhiimada gobolkooda iyo sida ay u doonayaan in Sweden ay u caawiso gobolka ay ka soo jeedaan. Iyagoo dadkii meesha noogu yeeray aad culeys ugu saaray in ay sharaxaan sababta aysan u tagin gobolkooda oo ay Muqdisho keliya uga hadlayaan.

Ka dib markii shirka uu dhamaaday ayaa saaxiibkey Kenadiid oo ka socday idaacada Radio Sweden (SR) iga wareystay fikrayda ku aadan sida shirka  u dhacay iyo sida aan u arkay Soomaalida goobta timid. Hadaba halkaan ka dhagayso wareysiga..

Lyssna: Jimcaale: Wax wanaagsan iyo wax aan wanaagsaneynba wey isugu jireen dooddii Soomaalida

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here