Dumarka Sweden oo maanta xirtay Xijaabka Muslimiinta

16

Qaar badan oo ka mid ah dumarka Sweden oo ay ku jiraan siyaasiyiinta ayaa maanta go’aansaday in ay xirtaan Xijaabka Veronica Palmgabdhaha Muslimiinta. Sababta ka dambaysa arintaan ayaa ah in ay ka mudaharaadayaan gabadh Muslimad ah oo uurleh taasoo lagu weeraray xaafada Farsta ee ka tirsan Stockholm.

Dumarka xirtay xijaabka ayaa waxaa ka mid ah Veronica Palm oo ah gudoomiye xisbiga Socialka ee magaalada Stockholm. Waxaa kale oo xijaabka xirtay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlaamanka Sweden sida Christina Höj Larsen oo xisbiga Vänsterpartiet (V) u fadhiga baarlamaanka. Sidoo kale Stockholm ayaa maanta waxaa lagu arkayay qaar badan oo ka mid ah dumarka caadiga ah ee Sweden oo xiran xijaabka.

Fikradaan ayaa waxaa ka dambeeyay labo gabdhood oo Muslim ah kuwaasoo ugu baaqay xitaa wasiirka cadaalada Sweden Beatrice Ask in ay xirato Hijaabka. Ask ayaa diiday in ay ku biirto fikradaan balse waxay gabdhaha ku balamisay xafiiska dowlada si ay ugala hadasho arimahaan iyo sidii loo sugi lahaa amaanka dumarka Xijaabka xirta.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here