Wiil u istaagay difaaca Soomaalida Sweden

19

Wiilka lagu magacaabo Sohrab Fadai waa wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda wadanka Iran kuna nool magaalada Borlänge ee sohrabgobolka Dalarna. Sohrab ayaa isbuucaan soo bandhigay warbixin ku saabsan waxbarashada Soomaalida Sweden oo loogu magacdaray “Waxaan helnay 1 Soomaali ah oo aan waxna qorin waxna aqrin”.

Warbixinta ayaa ka dambaysay ka dib markii siyaasiyiin badan oo Swedish ah oo uu ku jiro gudoomiyaha degmada Borlänge ay dhowr goor warbaahinta u sheegeen in Soomaalida ku nool magaaladaas ama Sweden oo dhan ay yihiin kala bar kuwo aan wax qorin waxna akhrin ama “analfabeter”.  Sohrab ayaa go’aansaday in uu baaritaan ku sameeyo arintaas iyo halka ay siyaasiyiintu ka heleen warbixintaan isagoo baaritaan ku sameeyay macluumaadka ay hayaan kamuunka Borlänge iyo iskuulada. Waxaa cadaatay in aysan wax cadayn ah u hayn hadalka been abuurka ah ee lagu bahdilayo Soomaalida. Sohrab ayaa la xiriiray siyaasiyiinta iyo isagoo waraysiyo ka qaaday dad ka badan 138 qof oo Soomaali ah oo uu sheegay in uu helay 1 qof oo keliya oo aan wax qorin waxna akhrin.

Arinta  cajiibka ah ayaa waxay tahay in Soomaalidu ay ka jiifto dantooda iyagoo ay u doodayaan dad kale, sida wiilkaan sharafta leh oo sheegay in sababta uu u doonayo in uu fashilayo been abuurka laga samaynayo Soomaalida ay tahay in arintu ay saamayn ku yeelanayo soo galootiga oo dhan. isla markaana hadba koox been laga sheegayo.

Sohrab iyo ururka ka caawiyay diyaarinta warbixintaan oo lagu magacaabo MIKLO ayaa maanta bandhig ku qabtay magaalada Stockholm halkaasi oo ay ku soo bandhigeen faahfaahin ku saabsan warbixintooda. Waxaa arin laga xumaado ah in goobta ay joogeen 2 qof oo Soomaali oo keliya. Sohrab ayaa ii sheegay in uu isku dayay in Soomaalida ka shaqaysa arimaha siyaasada uu la xiriiro balse xitaa iyaga laftooda ay qaarkood faafinayaan ama aaminsanyihiin arintaan been abuurka ah ee ku saabsan in kala bar Soomaalidu ay yihiin kuwo Umi ah.

Maalinta isniinta ee taariikhdu tahay 02 September saacadu markay tahay galabtii kl. 15-16 ayaa Sohrab iyo ururka MIKLO waxay bandhig ku saabsan warbixintooda ku qaban doonaan magaalada Borlänge. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan akhristayaasha bogga Somaliska ee ku nool magaalada Borlänge in ay ka qeyb galaan warbixintaas oo ay muujiyaan in ay xiisaynayaan arimaha ku saabsan Soomaalida isla markaana ay taageero u muujiyaan hawsha muhiimka ah ee uu qabtay Sohrab. Ciwaanka goobta lagu qabanayo warbixinta waa Palladium Dalarna, Sveagatan 21, 784 33 Borlänge.

Sohrab

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here