Dowlada Sweden oo isbadalo ku samaynaysa qaabilaada soo galootiga

6

Dowlada Sweden ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo magaalooyinka qaata dadka qaxootiga ugu badan lagu siin doono lacag erik-ullenhagdheeri ah. Sidoo kale magaalooyinka diida in ay qaataan qaxootiga ayaa lacagta laga yareyn doonaa. Isbalada cusub ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah in dadka cusub looga bilaabayo labada sano ee dajinta marka ay guri helaan, iyadoo hada ay ka bilaabato marka qofka sharciga la siiyo.

Waxaa sidoo kale dadka soo galootiga ah qasab looga dhigi doonaa in ay u guuraan meelkasta oo Sweden ka mid ah oo shaqo looga helo. Haddii ay diidaan ayaa lacagta taageerada laga goosan doonaa. Haweenka uurka leh ee ka baxa barnaamijka dejinta marka ay umulaan ayaa la siin doonaa fursad ay ku soo laabtaan barnaamijka balse ugu badnaan noqon doonta 8 bilood in loogu daro waqtiga u haray.

Barnaamijkaan cusub ayaa dhaqan gali doona sanadka 2014 iyadoo ay ku bixi doonto lacag dheeri ah oo gaaraysa 1.1 bilyan oo karoon.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here