Mid ka mid ah boqortooyada Sacuudiga oo ka goostay qoyskiisa

3

Mid ka mid ah qoyska boqortooyada Sacuudiga oo lagu magacaabo Khalid Bin Farhan al-Saud ayaa sheegay in uu ka baxsaday Saudi prince announces defection from royal familySacuudiga iyo qoyskiisa isagoo sheegay in uu u adkaysan waayay dhibaatada ay reer Sacuud ku hayaan shacabka iyo diinta ay beenta ka sheegayaan.

“Waxaan si sharaf leh ugu dhawaaqayaa in aan isaga baxay qoyska reer Sacuud, maamulka ka jira Sacuudiga Carabiya ma ahan mid ku dhaqma diinta Ilaahay iyo sharciga wadanka ee waxay raacaan danaha shaqsiyaadka. Waxyaabaha ay ka sheegayaan diinta waa been waxayna isku muujinayaan in ay sharciga Islaamka raacaan” ayuu ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray Khalid Bin Farhan al-Saud.

Waxa uu ugu baaqay shacabka sacuudiga in ay ku kacaan dowladooda isagoo sheegay in ay ka mid noqdaan mucaaradka. Waxa uu sheegay in isaga shaqsi ahaantiisa xitaa dhibaatooyin loo geystay isla markaana ay jiraan dhibaatooyin waaweyn oo qarsoon oo reer Sacuud ay u geystaan wadanka.

Warbixinta waxaa qoray qaar ka mid ah warbaahinta caalamka sida kuwa Turkiga.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here