Haweeneey loo xiray gudniin ay samaysay

5

Booliska magaalada Eksjö ayaa xabsiga dhigay haweenay gudniin ku samaysay 2 wiil. Gudniinka oo la sameeyay maalintii axadagudniin ayaa waxaa booliska wacay dadka dariska ah ka dib markii ay maqleen qaylada wiilasha. Booliska ayaa xabsiga dhigay haweeneyda ka dib markii lagu eedeeyay in ay samaysay gudniin sharci daro ah.

Sharciga Sweden u yaala ayaa qoraya in gudniinka wiilasha la samayn karo haddii dhaqtar uu xaadir ku yahay goobta lagu samaynayo gudniinka oo keliya. Haweeneyda la xiray oo 36 sano jir ah ayaa la sheegay in ay ka midtahay qaraabada wiilasha.

Gudniinka wiilasha ayaa waxaa sameeya Muslimiinta iyo Yuhuuda, iyadoo sanadkii la soo dhaafay Sweden lagu guday 3000kun oo wiil. Gudniinka gabdhaha ayaa guud ahaan mamnuuc ka ah Sweden iyadoo qofkii lagu qabto xabsi ku galayo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here