Gabar Soomaali ah oo qatar ugu jirta in laga musaafuriyo Sweden

20

Gabar Soomaali ah oo haysa caruur ay hooyadood ku geeriyootay bishii Janaayo shil ka dhacay agagaarka Södertälje ayaa saidaqatar ugu jirta in laga musaafuriyo wadanka Sweden. Gabadhaan oo lagu magacaabo Saida Ahmed Rashid oo ku nool magaalada Nyköping ayaa haysa caruur ay walaalo yihiin balse Laanta Socdaalka Sweden ayaa aaminsan in Saida aysan la dhalan caruurtaan isla markaana ay ka soo jeedo Kenya.

Laanta Socdaalka ayaa sheegtay in aysan aaminsanayn sheekada ay ku dacwootay gabadhaan isla markaana aysan iswaafaqsanayn kiiska hooyada geeriyootay iyo gabadhaan. Hooyada ayaa la sheegay markii ay Isdhiibtay in ay sheegatay in gabar ay Soomaaliya uga soo tagtay balse Laanta Socdaalka ayaa sheegay in lahjada Saida iyo hooyadeed uu u dhexeeyo farqi aad u balaaran.

Caruurta yaryar oo ay hada hayso gabadha ayaa lagu wareejin doonaa cid daryeesha, iyadoo Hay’ada Bulshada (Socialtjänsten) ay Laanta Socdaalka ugu baaqday in iyadoo la eegayo danta caruurta gabadha la siiyo sharciga. Saida ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in laga qaado DNA si loo  cadeeyo in ay la dhalatay caruurta balse Laanta Socdaalka ayaa u muuqtaa mid aan xiisanayn arintaas. Waxay sheegeen in ay iska cadahay in gabadhaan ay ka timid Kenya isla markaana aysan qaraabo lahayn caruurta.

Saida ayaa hada looga yeeray xabsiga ku yaala Flen ee Laanta Socdaalka ay ku xareyso dadka la musaafurinayo. Arinta gabadhaan oo lagu soo qoray wargeyska ugu waaweyn Sweden sida Aftonbladet ayaa culeys ku saareysa Laanta Socdaalka in ay wax ka badasho arinta gabadhaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here