Dowlada Ingiriiska oo mamnuucay khaatka

8

Wasiirada arimaha gudaha UK Theresa May ayaa go’aan ku gaadhay in ay mamnuucdo khaatka. Dowlada UK oo sanadkaan khatbilowgiisii gudi u saartay arinta khaatka ayaa gudigaas soo bandigeen in aan loo baahnayn in khaatka la mamnuucyo iyagoo sheegay in uusan la mid ahayn daroogooyinka kale balse wasiirada ayaa go’aan ku gaadhay in ay ka soo horjeesato talada gudiga oo ay guud ahaan khaatka ka mamnuucdo UK.

Mar ay ka hadashay sababta ay u mamnuucday khaatka ayay sheegtay in gudigu ay sahladeen khatarta amaanka ee la xiriirta khaatka. Waxay sheegtay in khaatku uu hada mamnuuc ka yahay wadamo badan oo Yurub ah isla markaana ay ka cabsi qabto in UK loo isticmaalo goobta khaatka laga soo galiyo Yurub. Waxay kaloo intaas ku dartay in mamnuuca khaatka oo faa’iido u yahay kooxaha bulshada ee dhibaatada ku qaba.

Mamnuuca ayay sheegtay in si degdeg ah lagu dhaqan galin doono, iyadoo qofkii jabiya uu mutaysan karo xabsi gaaraya ilaa 14 sano.

Iyadoo ay khaatka horay u mamnuucday dowlada Holland ayaa UK waxa ay ahayd isha keliya ee khaatka ka soo galo Yurub, qaasatan wadamada Iskaandaneeviya sida Sweden , Denmark iyo Norway ayaa dhibaato weyn ku qaba qaadka laga soo galiyo UK. Arintaan ayaa noqonaysa mid si weyn looga soo dhaweeyo wadamadaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here